{DAAWO SAWIRADA} Xafiiska arrimaha bulshada iyo Dhaqanka ee Soomaalida Talyaaniga oo laga furay Palermo

0
512

Waxaa shalay oo Taariikhdu ku beegneyd 28/11/2015 laga furay magaalada Palermo ee dalka Talyaaniga Xafiiska Arrimaha Bulshada iyo Dhaqanka ee Jaaliyadda Soomaalida dalka Talyaaniga.

Abaabulka iyo diyaarinta xafiiska waxaa iska kaashaday Akaaademiyada Caalamiga ee Giuseppe Pitre’, Guddomiyaha Jaaliyadda Soomaliyeed ee Talyaaniga kana tirsan mas’uuliyiinta Safaaradda Soomaalida ee dalka Talyaaniga Dr. Cismaan Mohamed Gaal iyo Guddoomiyaha guddiga Adeega Bulshada ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Prof. Cisman Mohamud Mohamed (Dufle) iyo xubno kale.

Xaflada Daa’hfurka xafiiskan oo lagu qabtay magaalada Palermo ayaa waxaa ka soo qaybgalay Guddomiyaha Adeega Bulshadda ee Barlamaanka Soomaliya Xildhibaan Prof. Cismaan Maxamud Mohamed (Dufle). Guddoomiyaha Akademiyada Giuseppe Pitre’ Prof. Giovanni Gianpino, Guddomiye ku-Xigeenka Akademiyada isla markaana ah la madaxa Arrimaha Bulshada, guddoomiya jaaliyadda soomaalida ee magaalada Palermo Mudane Dahir Mohamed Hassan, Dr. Maxamed Cabdi Ahmed oo ah Xiriiriyaha Xafiiska Arrimaha Bulshada iyo Dhaqanka jaaliyadda Soomaalida ee Palermo iyo Akademiyada Giuseppe Pitre’ iyo mas uuliiyiin kale.

Prof. Cismaan Maxamud Mohamed (Dufle) Guddomiyaha guddiga Adeega Bulshada ee Baarlamanka Somalia oo ka hadlay daah’furka xafiiskan ayaa u mahad celiyay masuuliyiinta akaademiyada Giuseppe Pitre oo gacan ka geystay furitaanka xafiskan Wuxuuna sheegay ujeedada furitaanka xafiiska ay tahay sidii wax loogu qaban lahaa loona maareyn lahaa baahida shaqo, caafimaad, waxbarasho iyo sharci ee Soomaalida ku dhaqan Sicilia gaarahaan gaar ahaan magaalada Palermo.

“Waxaan aad u rajeynayaa in xafiiskan uu wax badan ka qaban doono waaajibaadka adag ee loo xilsaaray, waxaana diyaar u nahay dhamaanteen inaaan gacan ku siino” ayuu yiri Prof. Dufle.

Waxaa sidoo kale xafladaas ka hadlay Guddomiyaha Akademiyada Giuseppe Pitre’ Prof. Giovanni Gianpino oo sheegay inuu ku faraxsan yahay inay furitaanka xafiiskan uuna rajeynayo inuu dabooli doono baahida bulshada Soomaalida ku dhaqan Palermo.

“Akademiyada Giuseppe Pitre kaliya kuma koobnaan doonto gacanta ay ka geysatay furitaanka xafiiskan waxaana balan-qaadeynaa inaan garab taaganahay weligayo, taageero hiil iyo hooba lehna ku siin doono gudashada waajibaadkiisa” ayuu yiri Prof. Giovanni Gianpino.

Prof. Giro oo ah Guddomiye ku-xigeenka Akaademiyada ayaa isna sheegay inuu soo dhoweynayo talaabada lagu furay xafiiskan “Waxaa muhiin ah in Bulshada dhibaatooyinka ugu soo haajiray dhulkooda in wax loo qabo oo la caawiyo si ay u helaan fursado shaqo oo ay ku gaaraan nolol wanaagsan” ayuu yiri Prof. Giro oo u mahadceliyay Gudomiyaha Adeega Bulshadaee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya doorka weyn ee uu ka qaatay dhiirigelinta furitaanka xafiiskan.

Guddomiyaha Jaaliyadda Soomaliyeed ee magaalada Palermo oo isna xafladan ka hadlay ayaa u mahad celiyay Akademiyada Giuseppe Pitre’ iyo Guddomiyaha guddiga Adeega bulshadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof. Cismaan Mohamud Mohamed (Dufle), kaalinta lama iloobaanka ah ee ay ka qaateen furitaanka xafiiskan oo uu sheegay inuu wax weyn ka qaban doono baahida kala duwan ee ay qabto Jaaliyaada ku dhaqan magaalada Palermo ee dalka Talyaaniga, waxaana munaasabadaas ay ku soo dhamaatay jawi aad u wanaagsan.