{DAAWO SAWIRADA} Xisbiga AKP oo Guul weyn ka gaaray Doorashadii Turkiga iyo Dabaaldagyo dalkaasi kasocda

0
262

Doorashadii Baarlamaanka Dalka Turkiga ee shalay dhacday ayaa guul weyn waxaa ka gaaray xisbiga talada dalkaasi haya ee Cadaaladda iyo Horumarka (AKP), waxaana xisbigaasi ay ku guuleesteen kuraasta ugu badan ee Baarlamaanka Dalkaasi.

Dalka Turkiga ayaa soo maray shan bilood oo qalalaase ka taagnaa ka dib markii xisbina uu heli waayay codad uu ku soo dhiso xukuumad, isla markaana xisbiyadu ay isla fahmi waayeen qaabka ay u soo dhisi karaan xukuumad wadaag ah.

Xisbiga AKP ayaa hada awood u yeelanaya in uu soo dhisio Xukuumad , waxaana guusha xisbigan ka gaaray doorashada Baarlamaanka ay noqotay mid ay aad ugu farxeen una soo dhaweeyeen Hogaanka xisbiga talada dalka Turkiga haya.

Xisbiga AK ayaa ku guulaystay in 49% kuraastii baalmakaanka kuwaas oo gaadhaya illaa 316 kursi oo ka mida 550-ka kursi ee golaha baarlamaanka dalkaasi ka kooban yahay, taas oo aad uga sarraysa guushii la saadaalinayey markii hore.

Guud ahaan dalka Turkiga waxaa kasocda dabaaldagyo waa weyn ay sameenayaan taageerayasha Xisbiga uu Hogaamiyo Madaxweyne Recep Tayyib Erdogan, waxaana wadooyinka Dalkaasi lagu arkayaa dad badan oo ruxaya calanka Turkiga iyo astaanka Xisbiga AK.