{DAAWO SAWIRADA}80 Ka Mid Ah Dadkii Lagu Afduubtay Hotel Ku Yaal Dalka Mali Oo La Soo Badbaadiyay

0
201

Wararka ka imanaya caasimada dalka Mali ee Bamako ayaa sheegaya in 80 ka mid ah dadkii lagu haystay hoteelka Radisson Blu ee magaalada Bamako ee caasimadda dalka Mali la sii daayey kadib markii afar dabley ay hotelka ku qabsadeen 170 qof.Ciidamo gaar ah ayaa dabaq dabaq u galaya hotelka ayaga oo doonaya inay soo badbaadiyaan dadka harsan ee weli gacanta ugu jira dableyda, sida ay sheegeen dinaca ammaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamo gaar u tababaran ay gudaha u galeen hotelka iyadoo qaar ka mid ah dadkii la afduubtay laga soo badbaadiyay hotelka ayna bedqabaan.

Dowlada Faransiiska ayaa ciidamo gaar ah u dirty magaalada Mali si ay uga qeybgalaan howlgalada lagu doonayo in lagu soo badbaadiyo dadka afduubka loo haysto.

Waxaa sidoo kale la xaqiijiyey in saddex qof la dilay, halka dadka qaarkoodna la sii daayey markii ay aqriyeen aayado ka mid ah qur’aanka. Dalka Mali ayaa waxaa hore u gumeysan jirey Faransiiska waxaana haatan ku sugan ciidamo ka socda Qaramada Midoobay iyagoo ka qeybgalaya howlgalada lagu badbaadinayo dadka lagu afduubtay hotelka ku yaal magaalada Bomako.

fda7askar malian

badabaado

bamako