{DAAWO SAWIRADA}Al-Shabaab Oo Soo Bandhigtay Magaca iyo Qabiilka Ninkii Isku Qarxiyay Janaale Iyo Maxaabiis

0
219

Garabka Warbaahineed Xarakada Al-Shabaab ee Al-kataib, ayaa soo bandhigtay Muuqaal iyo Sawiro laga qaaday Weerarkii dagaalyahano katirsan Al-Shabaab ku qaadeen xeradii Ciidamada AMISOM ay ku lahaayeen Degmada Janaale.

Muuqaalka ay soo bandhigeen Al-Shabaab ayaa waxaa ka muuqanaya maxaabiis katirsan Ciidamada AMISOM oo lagu qabsaday Weerarkii Janaale iyo sidoo kale hub iyo agab kale oo milatari oo Al-Shabaab ku qabsadeen weerarkaasi.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale soo bandhigtay Magaca iyo Qabiilka ninkii isku qarxiyay Xerada Ciidamada AMISOM ay ku lahaayeen Degmada Janaale, waxa ayna Al-Shabaab sheegeen in weerarka Ismiidamainta ah uu fuliyay Cabdullaahi Cali Cumar oo u dhashay beesha Abgaal gaar ahaan jufada Agoonyar Gaabane.

Ninkan isku qarxiyay Xerada Ciidamada AMISOM ku lahaayeen Degmada Janaale ayaa la sheegay in horey uga tirsanaa Ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya uuna tababar ciidanimo kusoo qaatay dalka Jabuuti inkatoo markii dambe uu ku biiray Al-Shabaab.

Weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen xerada Ciidamada AMISOM ku lahaayeen Degmada Janaale ayaa waxaa ka dhashay qasaaro badan oo soo gaaray Ciidamada AMISOM, weerarkaasi ayaana sabab u noqday in Ciidamada AMISOM ay gabi ahaan ka baxaan Degmada Janaale ay hada kataliyaan Al-Shabaab.