{DAAWO SAWIRADA}Diyaarad ku dhacday South Sudan oo ay dad ku dhinteen

0
205

Diyaarad kuwa xamuulka qaada ee uu Ruushka sameeyay ayaa ku bur burtay meel ku dhow garoonka diyaaradaha Caasimadda Jubba ee dalka Koofurta Sudan, iyadoo la soo wariyay in khasaare uu ka dhashay.

Meydadka afartan qof ayaa laga soo saaray galkii ay ku bur burtay diyaarada oo ku dhow wabiga Nile.

Idaacad maxali ah oo ka howl gasha magaalada Jubba ayaa sheegtay in diyaarada ay ku sii jeeday Gobolka Upper Nile, waxaana ay ku bur burtay meel 800mitir u jirta wadada run-wayga.

Wali ma cada in dadka wax ku noqday inay gebi ahaan ahaa dadka saarnaa diyaarada ama inay ku sugnaayeen halka ay diyaarada ku dhacday oo aheyd dhul beereed

Afhayeen u hadlay Madaxtooyada Jubba Ateny Wek Ateny ayaa u sheegay Wakaalada wararka ee Reuters in labo ruux ay ka bad baaday shilka diyaaradeed oo mid ka mid ah uu shaqaalihii diyaarada ahaa iyo canug yar.

Diyaaradaha xamuulka ayaa ka howl gala Koofurta Sudan, kuwaasoo ka soo qaaday rakaab kala duwan.

Horaantii todobaadkan ayay aheyd markii diyaarad laga lahaa Ruushka ay ku bur burtay Gacanka Sinai ee dalka Masar, waxaana ku dhintay illaa 224 ruux oo rakaabkii diyaarada saarnaa ahaa.

diyaarad-ruush diyaarad-ruush1