{DAAWO SAWIRADA}Golaha Wasiirada Galmudug Oo Go’aamo Aad U Culus Kasoo Saaray Isbaarooyinka

0
224

Shir xalay ka dhacay  Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Magaalada Gaalkacyo ayna ku yeesheen Golaha Wasiirada Dowlada Galmudug isla markaana uu Shir Gudoominayay Madaxweynaha Dowlada Galmudug Cabdilkariin Xuseen Guuleed ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin Amaanka, Dib u furista Dekada Hobyo iyo waxa u qabsoomay Wafidiga uu hogaaminayay Madaxweynaha Galmudug oo mudooyinkii dambe ku sugnaa magaalada Gaalkacyo.

Golaha Wasiirada Dowlada Galmudug ayaa isla qiray in wax badan ay ka qabatay dowlada magaalada Gaalkacyo maadaama beelaha gobolka Mudug hubkooda iyo Ciidamadooda ay ku soo wareejiyeen Dowlada si loo qarameeyo.

Sidoo kale, Golaha Wasiirada Galmudug ayaa sheegay in tilaabo laga qaadi doono cid kasto oo jidgooyo Sharci dara dhiga deeganada Galmudug islamarkana Gaariga iyo Hubka ay dowlada si xoog ah ugula wareegayo cidii Isbaaro dhigata, cidii lagu dilaana Isbaaradaasi oo maleeshiyo ah aan qofna loo heysan lagana wareegi doono hubka ay heystaan.