{DAAWO SAWIRADA}Ra’iisul Wasaare Somaliya Oo La Kulmay Madaxweynaha Wadanka Kenya

0
186

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa shalay kulan kula qaatay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta aqalka Madaxtooyada ee Harambii House ee magaalada Nairobi.

Kulankan ayaa waxaa uu ahaa mid diiradda lagu saarayay xiriirka labada dal, iyadoo goob joog ka ahaan Wasiirada Arrimaha Gudaha, Qorsheynta, Gaashaandhiga ee Soomaaliya iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya.

Sidoo kale waxaa Madaxweynaha Kenya wehliyay Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda, Arrimaha Gudaha iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Kenya.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in kulanka uu la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdigiisa ay uga hadleen arrimo badan oo quseeya labada dal.

“Waxaan la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, annigoo kula kulmay aqalka madaxtooyada ee Nairobi”ayuu yiri Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Madaxweynaha Kenya ayaa sidoo kale in ra’iisal wasaaraha uu kala hadlay xiriirka u dhexeeya labada waddan ee Soomaaliya iyo Kenya, isagoo hadalkiisa intaas ku daray in ay isku raaceen in loo baahan yahay sidii loo dhisi lahaa guddi si mideysan u wadashaqeeya kuwaasoo diirada saara arrimaha quseeya labada waddan.

Sidoo kale madaxweynaha Kenya iyo ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa ka hadlay xaalaldda ammaanka Soomaaliya iyo tan gobalka.

Kulankan ayaa yimid kadib markii Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdi uu hogaaminayo ay booqdeen Jimcihii xerada qaxootiga ee Dhadhaab ee waddanka Kenya, halkaasoo ku nool yihiin dad tiradooda lagu qiyaasay nus malyuun kuwaasoo u badan Soomaali.

Dowladda Kenya iyo Soomaaliya iyo hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan UNHCR ayaa heshiis seddax geesood ah ku gaaray Nairobi, iyagoo isla gartay in si iskood qaxootiga Soomaalida ay dib ugu soo laabtaan waddanka.

uhuru-omar (1)uhuru-omar (2)uhuru-omar (3)uhuru-omar (4)uhuru-omar (5)uhuru-omar (6)uhuru-omar (7)