{DAAWO SAWIRADA}Shiinaha Oo Soo Bandhigay Diyaarad Rakaab Ah Oo Lagu Farsameeyo Gudaha Dalka Shiinaha

0
189

Dowlada Shiinaha ayaa markii ugu horeysay soo bandhigtay diyaarad rakaabka qaada oo lagu farsameeyay gudaha dalka Shiinaha.

Diyaaradan The Commercial Aircraft Corporation of China Ltd. (COMAC), oo ah mid dowlada ay leedahay ayaa waxaa la sheegay in ay tahay tii ugu horeysay oo ah C919 ee lagu farsameeyo warshad ku taal magaalada Shanghai.

Shiinaha oo ah wadanka labaad ee ugu qanisan caalamka ayaa doonaya in uu la tartamo diyaaradaha dunida caanka ka ah ee Airbus iyo Boeing.

Diyaaradan ayaa qaadi karta rakaab gaaraya 168ruux iyadoo duuli karta masaafo gaareysa 2,532 miles (4,075 kilometres), taasoo la macno ah inay ka duuli karto Shanghai illaa iyo Kuala Lumpur ama New York City to Los Angeles iyadoo aan istaagin.

Xaflad weyn oo lagu soo bandhigayay diyaaradan ayaa lagu qabtay magaalada Shanghai iyadoo boqolaal ruux ay u soo daawasho tageen. Diyaaradan ayaa la qorsheynayaa in ay duulimaadkeeda ugu horeysa ay sameyso sanadka soo socda iyadoo muddo saddex sano ah ay ku qaadatay khubaradii farsameynaysay in ay diyaariyaan.

Shirkadda COMAC ayaan weli shaacin qarashka ku baxay dhismaha diyaarada hase ahaatee warbixin bishii June uu baahiyay Radiyaha Qaranka Shiinaha ayaa lagu saadaaliyay in diyaarada ay suurtogal tahay inay ku kacdo lacag gaareysa £32 million (US$50 million), taasoo boqolkiiba soddon ka raqiisan shirkada Boeing 737 amaba Airbus 320.

Dalka shiinaha ayaa damcay inuu sameeysto diyaarado u gaar ah oo ah kuwa rakaabka tan iyo sanadkii 1970kii xilligaa oo hogaamiyihii waqtigaa Mao Zedong xaaskiia Jiang Qing, iyo koox kale ay shaqsi ahaan isku dayeen inay sameeyaan diyaarado.

Diyaarad loo magac daray Y-10, oo ah afar matoor leh ayaa sanadkii 1970kii laga bilaabay in la sameeyo hase yeeshee qiimaha ku baxayay awgeed ayaa loo joojiyay waxana la farsameeyay saddex diyaarad oo qura.

Dalka Shiinaha oo caan ku noqday in uu soo saaro alaabo ka qiime jaban dalalka kale ayaa la filayaa in suuqyada caalamka ee diyaaradaha wax weyn uu ka bedeli doono gaar ahaan qiimaha lagu kala iibsado taasoo saameyn ku yeelan karto lacagaha lagu raaco ama lagu kireysto diyaaradaha inay hoos u dhacaan.

diyaarad (3)

diyaarad (5)diyaarad (4)diyaarad (1)

diyaarad (4)