{DAAWO SAWIRADA}Siminaar Looga Hadlayay Dowlad Wanaagga Oo Lagu Soo Gabagabeeyay Muqdisho

0
208

Siminaar lagu baranayay dowlad wanaagga, ayna ka qeyb in ka badan 60 dhalinyaro ah ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.

Siminaarkan oo socday muddo labo cisho ah ayaa waxaa soo qaban qaabiyay xisbiga Dowlad Wanaagga Soomaaliyeed, waxaana casharada bixinayay Prof Cumar Nuur Cali oo ah madaxa waxbarashada ee Jaamacadda Kowneyn, kaasoo si qoto dheer uga hadlay muhiimadda ay bulshada u leedahay dowlad wanaagga.

Qaar ka mid ah ka qeyb galayaasha siminaarka oo gabagabadii xafladda hadalo kooban ka jeediyay ayaa sheegay inay wax badan ka faa’iideysteen siminaarkan, ayna uga mahadcelinayaan intii soo qaban qaabisay.

Guddoomiyaha Xisbiga Dowlad Wanaagga Soomaaliyeed Ismaaciil Cali Mowliid oo soo xiray siminaarka ayaa sheegay in Xisbiga u uu taagan yahay sidii loo heli lahaa bulsho casri ah oo ka xorowda jahliga iyo qabyaaladda, isagoo intaa ku daray inay joogteyn doonaan qabashada siminaarada nuucaan oo kale ah.

“Waxaa farxad noo ah in aad nagala soo qeyb gashaan siminaarka lagu baranayay dowlad wanaaga, runtii Xisbigan waxaa uu u taagan yahay in uu sare u qaado garaadka dhalinta Soomaaliyeed, si u noqdaan kuwa ka qeyb qaata horumarka dalka, idinkuna waad ka qeyb qaadan kartaan dadaalka aan ugu jirno in la helo bulsho horumarsan” ayuu yiri Guddoomiye Ismaaciil.

Ugu dambeyntii ka qeyb galaasha siminaarka ayaa la guddoonsiiyay shahaadoyin, waxaana ay xaflada ku soo gabo gabowday jawi degan.

yabab (1)yabab (2)yabab (3)yabab (4)yabab (5)yabab (6)yabab (7)yabab (8)yabab (9)