{DAAWO SAWIRADDA} Banaanbax Balaaran Oo Looga Soo Horjeeday Daacish Oo Ka Dhacay Kabul

0
192

Waxaa Magaalada Kabul ee Caasimada Dalka Afgaanistan ka dhacay banaanbax balaaran kaas oo aay ka  qeyb galeen kumanaan dad ah kaa oo looga soo horjeeday Kooxda Daacish ee ka dagaalanta qeybo kamid ah Dalka Afgaanistan.
Dadka dhigayay banaanbaxa ayaa ka careesnaa fal ay Kooxda Daacish ku gowracday dad ku dhaaw 7-qof oo sadax kamid ah ay ahaayeen haween kuwaa ay horey u qafaasheen Kooxda Daacish kuwaas oo  Meydkooda la helay iyaga oo Gowracan.

Dhibanayaashan, oo ah dad kasoo jeeda qowmiyadda shiicada ah ee laga tirada badan yahay ee Hazara, ayaa waxaa la afduubtay bil kahor, waxaana meydadkooda oo madaxa laga wada gooyey laga heay gobolka Koonfureed ee Zabul axaddii tagtay.

Dadka dhigayay banaanbaxa ayaa watay naxxashyo ay ku jireen meydadka 7-qof ay kooxda Daacis ay Gowraceen, waxa ayna ku qeylinayeen dadkan halkudhigyo ay uga soo horjeedaan Kooxda Daacish iyo kooxda kale ee Daalibaan.

dac_1 dac_2 dac_3 dac_4 dac_5 dac_6