{DAAWO SAWIRADDA} Golaha Wasiirada Cusub Ee Xukuumadda Nigeria Oo Maanta La Dhaariyay

0
202

Golaha Wasiirrada cusub ee Xukuumadda Nigeria ayaa maanta oo Arbaco ah lagu dhaariyay xarunta madaxtooyada dalkaas ee Abuja, kaddib shan bilood markii xilka loo dhaariyay madaxweynaha dalkaas Mohammadu Buhari.

Wasiirrada Nigeria ee maanta la dhaariyay oo tiradoodu tahay 36 wasiir ayaa waxaa ka mid ah; wasiirka maaliyadda iyo dhaqaalaha, Kemi Adeosun, wasiirka gaashaandhigga, Mansur Dan Ali, iyadoo la sheegaey in wasiirkan uu hoggaamin doono hawl-gallada ka dhanka ah kooxda islaamiga ah ee Boko Haram.

Sidoo kale, gudoomiyihii hore ee Lagos, Babatunde Fashola ayaa loo magacaabay wasiirka Tamarta, Shaqada iyo Guriyeynta Nigeria. Sidoo kale, Audu Ogbe oo ah siyaasi 68-jir ah ayaa loo magacaabay wasiirka beeraha.

Wasiirrada cusub ee Nigeria ka mid ah; Heineken Lokpobiri, Adamu Adamu, Mustapha B. Shehuri iyo Okechukwu Enyinna Enelamah oo ka mid ah wasiirrada ugu muhiimsan dalka Nigeria, iyadoo la sheegay in wasiirradan uu kasoo kala xushay dhammaan gobollada dalka Nigeria.

Mohammedu Buhari ayaa xilka madaxweynaha Nigeira loo doortay bishii Maarso ee 2015-ka, iyadoo la dhaariyay bishii May ee isla sannadkaan, waxaana tan iyo xilligaas uu sheegi jirtay inuu ku dhawaaqayo golihiisa wasiirrada, balse dib u dhaca ayaa la xusay inuu ku yimid isagoo raadiyay wasiirro kasoo bixi kara xilalka loo doortay.

Tirada wasiirrada uu magacaabay madaxweyne Buhari ayaa aad uga yar kuwii uu horay u soo magacaabay madaxweynihii ka horreeyay Goodluck Jonathan, kuwaasoo tiradoodu 42 wasiir ay ahayd, iyadoo la sheegay in madaxweynaha Nigeria Buhari uu tirada wasiirrada ku saleeyay dastuurka dalkaas.

20151111635828245300359273Wasiirrada_Cusub_ee_Nigeria (3) 6 20151111635828244123973930Wasiirrada_Cusub_ee_Nigeria (7) 20151111635828244860988422Wasiirrada_Cusub_ee_Nigeria (6) 20151111635828245300359273Wasiirrada_Cusub_ee_Nigeria (3) (1)   20151111635828245943764932Wasiirrada_Cusub_ee_Nigeria (4)