{DAAWO SAWIRADO}laga soo qaaday Nolosha Dagaalyahanada Al-Shabaab ee kusugan qeybo kamid ah Dalka Kenya

0
187

Xarakada Al-Shabaab garabkeeda Warbaahineed ayaa soo bandhigay Sawiro iyo Muuqaalo laga soo qaaday nolosha dagaalyahano katirsan Xarakada Al-Shabaab oo si caadi ah ugu nool dhul keymo ah kuyaala Dalka Kenya.

Sawirada iyo Muuqaalka laga soo qaaday Dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku sugan Gudaha Dalka Kenya ayaa muujinaya iyaga oo si caadi ah halkaasi ugu nool sidoo kale ku mashquulsan in ay ugaarsi , waxaa ay sidoo kale ku dhax lugeenayaan iyaga oo hubeesan deegaano kyaala Kenya.

Dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku sugan qeybo kamid ah dalka Kenya ayaa u badan dagaalyahano asalkoodu Kenyan ah oo ku biiray Al-Shabaab, waxa ayna Al-Shabaab keymo kuyaala Dalka Kenya ay ku leeyihiin xeryo ay dagaalyahanada cusub ku tababaraan.

Dowlada Kenya ayaa horey u qirtay in Guutooyin katirsan Dagaalyahanada Al-Shabaab ay ku sugan yihiin gudaha Dalka Kenya gaar ahaan dhulka Keymaha , waxa ayna ugu baaqady Dowlada Kenya in dhulkaasi ay ka fogaadaan.