Daawo Sawirka” Jihaadiiste Soomaali ah oo lagu dilay duqeyn ka dhacday dalka Suuriya

0
337

Muwaadinkaani Soomaaliyeed ee lagu magacaabo Abuu Khaalid Al-Soomaali, ayaa ka barbar dagaalamaayay Jabhadda Al Nusrah oo kamid ah Jabhada hoostaga Alqaacida.

Jihaadistahaani ayaa waxaa lagu dilay dagaal ka dhacay Gobolka Idlib ee dhaca waqooyiga Suuriya xili uu u dagaalamaayay Jabhadaasi.

Dagaalka uu Jihaadiistahaani ku dhintay ayaa waxa uu ahaa mid u dhexeeyay Ciidamada Suuriya ee daacada u ah Bishaar Al-asad iyo kuwa Jabhada Al Nusrah.

Abuu Khaalid waxa uu kamid ahaa dhalinyaradii ka tagtay Dalka Britain ee ku biirtay Jabhada, waxa uuna markii danbe naftiisa ku waayay duqeymo ka dhacay Gobolkaasi oo ay fulinayeen Ciidamada Cirka ee Suuriya.

Geerida Jihaadiistahaani ayaa kusoo beegmeysa xili mudooyinkaani danbe Gobolo kamid ah dalka Suuriya ay ku qulqulayeen Dhalinyaro Soomaali ah kuwaasi oo badankooda ku kala biira Garabyada Daacish iyo Al Nusrah.