Dab khasaare Geystay Oo Xalay Ka Kacay Hoteel Ku Yaalla Degmada Xamar-weyne – Muqdisho –

0
193

Dab khasaare hantiyeed geystay ayaa xalay ka kacay Hoteelka Big Gate oo ku yaalla degmada Xamar-weyne ee Muqdisho, kaasoo ku dhaw waddada Via Rome.

Guddoomiyaha degmada Xamar-weyne C/qaadir Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay ku guuleysteen daminta dabkaan khasaaraha u geystay hoteelka inta aanu sii faafin.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa sheegay in markii ay wareysteen maamulka hoteelka ay u sheegeen inay u maleynayaan in dabku uu ka kacay koronto ama dab ku jiray kushiinka.

Waaxda dab-damiska ee Dowladda Hoose ayaa ku guuleystay inay damiyaan dabkaas, isagoo guddoomiye C/qaadir uu sheegay inaysan jirin khasaare nafeed, sidoo kalena ay sugeen amniga dadka hoteelka degenaa naftooda iyo hantidooda intaba.

Dhinaca kale, maamulka hoteelka ayaan weli wax faahfaahin ah kama aysan bixin weli khasaaraha rasmiga ah ee kasoo gaaray hoteelkooda, inkastoo badi hoteelka aanu dabka ku faafin.