Dadka Ku Nool Magaalada Baledweyne Oo Looga Digay Inay IIbsadaan Dhulalka Danta Guud.

0
180

Maamulka magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa dadka shacabka ah uga digay inay iibsadaan dhulalka iyo guryaha danta guud ee magaaladaas ku yaalla.

Guddoomiye ku xigeenka ahna ku simaha guddoomiyaha magaalada Baladweyne Bashiir Xuseen Dhoore ayaa warbaahinta u sheegay inay arkeen dadkii shacabka ahaa oo qaybsanaya Xeradii Daraawiishta ee magaaladaasi iyadoo aysan jirin cid u fasaxday iyo meel lagu bixiyey.

Maamulka Magaalada Baladweyne iyo maamulka guud ee Gobolka Hiiraan ayuu sheegay inaysan waxba kala socon arrinkaan lagu qaybsanayo dhulka Xerada Daraawiishta.

“Ka maamul ahaan waxaa arrin mucjiso ah nala ah in arrin muddo Sanad ah soo laalaabanaysay oo ahayd dhulkii Xeradii daraawiishta oo horay loo joojiyay in la iibsado hadana maanta la leeyahay waa la iibinayaa oo la kala goosgoosto, waxaan rabnaa inaan u sheegno umadda Soomaaliyeed waa dhul 80 sano dhisan oo taariikhi ah, dhulkii Booliiska lahaa weynu siinay, inta harayna waa tii maamulka Baladweyne” ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka.

Dhinaca Bashiir Xuseen Dhoore, waxaa uu amarka dhulka lagu bixiyey ku eedeeyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, oo uu sheegay inaysan la qabin Maamulka iyo kan degmada intiisa kale, waxaana uu shacabka uga digay inay dhulkaas lacagtooda kala baxaan maadaama uu yahay dhulka danta guud oo ummadda Soomaaliyeed ay lee dahay.

Ugu dambayntii Bashiir Xuseen waxaa uu sheegay inay arrinkaan ku wargalinayaan Madaxda sare ee Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay faragalin ku sameeyaan waxa Baladweyne ka socda ee ah in la dhacayo hantidii ummaddii Soomaaliyeed.