Dagaal Dhex maray Xoogag ka wada Tirsan Al-Shabaab oo ka Dhacay Duleedka Saakow

0
194

Iska horimaad hubeysan ayaa dhex xoogag ka wada tirsan Al-Shabaab deegaanka Gambare oo ka tirsan degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe.

Dagaalkan oo ku salaysan kala duwanaanta dhinaca fikirka ah in lagu biiro Daacish iyo in laga sii mid ahaado Al-qaacida ayaa waxaa ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ka imaanaya deegaanka uu dagaalku ka dhacay ayaa sheegaya in ugu yaraan shan ka mid ah dhinacyadii dagaalka u dhexeeyay ay ku dhinteen halka tira kalana dhaawacyo ka soo gaareen.

Dadka dhintay ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa nin magaciisa lagu sheegay Shiikh Bashiir oo hore ugaga mid ahaa ururkii Al-itixaad, kaasoo la sheegay inuu watay Ciidamo taageersan Daacish oo doonayay inay si rasmi u shaaciyeen inay ku biireen.

Kooxihii dagaalamayaay ayaa markii dambe duurka kala galay sida wararku ay tilmaamayaan iyadoo halka dagaalku uu ku dhacay ay ahayd meel keyn ah.

Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa soo ifbaxayay kala duwanaanta fikirka ururka Alshabaab ee ku saabsan in lagu biiro ururka Daacish ama Dowlada Islaamiga ah.

Bishii hore ayay ahayd markii labaatan ka mid ah maleeshiyaadka ururka Alshabaab oo uu hogaaminayo sheikh C/qaadir Muumin kuna sugnaa buuraha Galgala ay cadeeyeen in ay ku biireen ururka Daacish.

Afhayeenka Shabaab Sheekh Cali Dheere Cali Dheere ayaa ka digay dad uu sheegay inay kala qeybinayaan Al-Shabaab, isagoo ku hanjabay inay gacmaha qabanayaan cidii isku dayda in ay kala qeybiso Al-Shabaab.

Toddobaadkii hore ayaa ururka Daacish ay baahiyeen cajalad muuqaal ah oo muujinaysa maleeshiyo hore uga tirsanayd ururka Al-Shabaab oo ku sugnayd buuraha Galgala ee Puntland oo sheegay inay taageersan yihiin ururka Daacish.

Kala qeybsanaanta ka soo ifbaxday Al-Shabaab ayaa sababtay in ayaa muddooyinkii u dambeeyay aheyd mid aad u soo xoogeysanayay, waxaana horay Al-Shabaab u mamnuucday khudbadaha laga jeediyo Masaajidada, iyadoo aan fasax looga heysan xafiiska Warfaafinta.