Dagaal khasaare badan dhaliyay oo Afgaanistaan ku dhexmaray garabyo ka tirsan ururka Talibaan

0
208

Kooxda Daalibaan ayaa ku dagaallamay qaybo ka mid ah dalka Afganistaan oo ay ka dhisan yihiin, kaddib markii uu soo dhex-galay muran dhanka hoggaanka ah oo soo dhex-galay kooxda.

Dagaal culus oo kooxdan ku dhexmaray gobolka Zabul ee dalka Afgaanistaan; iyadoo la sheegay inay isaga dileen qiyaastii 80-qof, halka ay isaga dhaawaceen in ka badan 50-qof oo kale, kuwaasoo dhammaantood ka tirsanaa xoogagga Daalibaan.

Guddoomiyaha gobolka Zabul, Mohammad Anwar Ishaqzai ayaa warbaahinta u sheegay in garabka uu hoggaaminayo Mullah Mohamed Rasool oo ka mid ah kooxda ay ku dhawaaqeen inay ku biireen kooxda ISIL, ayna iyagu yihiin hoggaanka Daalibaan, halka garabka kalena ay tallaabada garabkan kasoo horjeesteen.

Sidoo kale, garab ka mid ah Daalibaan ayaa Mullah Rasool u doortay toddobaadkii lasoo dhaafay hoggaamiyahooda, kuwaasoo sheegay inay diiddan yihiin inuu hoggaamiyo Mullah Akhtar Mansoor oo ah hoggaamiyaha garabka kale.

“Kooxda uu hoggaaminayo Mullah Rasool ma doonayaa inay ka mid ahaadaan oo keliya Daalibaan, balse waxay doonayaan inay ka mid noqdaan xitaa kooxda ISIL,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan dowladda Afgaanistaan oo Masuur kusoo koobay magaciisa.

Ururka Daalibaan oo la aasaasay sannadkii 1994-kii ayaa waxaa hoggaaminayay Mullah Maxamed Cumar oo dhawaan la shaaciyay inuu dhintay, iyadoo dagaalkanna uu noqoyo kii ugu horreeyay oo kooxda dhex-mara tan iyo xilligaas.

Dhanka kale, Daalibaan iyo ISIS ayaanu ka dhexeyn xiriir wanaagsan, iyadoo kooxda uu xiriir wanaagsan kala dhexeeyay ururka Al-Qaacida, kaasoo saldhiggiisa ugu weyn uu ku yaallo dalka Afgaanistaan.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha gobolka Zabul, Anwar ayaa sheegay in maydadka toddoba qof oo horay loo afduubay laga helay gobolka Ghazni habeenkii ay sabtidu soo galaysay, kuwaasoo uu xusay in la afduubay muddo lix toddobaad ka hor ah.

Si kastaba ha ahaatee, toddobadan qof oo ahaa afar rag ah iyo saddex dumar ah ayaa waxay dhammaantood kasoo jeedeen dadka laga tirada badan yahay ee ku nool dalka, kuwaasoo la sheegay in la gowracay.

dagaal yahanada daalibaan