Dagaal Ku Dhex Maray Ciidamada Dowlada Iyo Alshabaab Deegaan Ka Tirsan Wanlaweyn

0
222

Wararka ka imanaya degmada Wanlaweyn ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in iska horimaad hubeysan uu ku dhex maray deegaanka Waambati oo dhanka Waqooyi ka xigta degmada Wanlaweyn ciidamada dowlada federalka iyo dagaalyahano ka tirsan ururka Alshabaab.

Dagaal xoog leh ayaa la sheegay in uu ka dhacay meel aan ka fogeyn deegaanka Waambati kadib markii ciidamada dowlada oo sii socda wadada loo galay.

Iskahorimaad xoog leh ayaa la sheegay in uu ka dhacay halkaa oo qasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawacba leh geystey.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada dowlada oo ku hubeysnaa gawaari tikniko ah laga gubay mid ka mid ah gawaarida tiknikada ah ee ay wateen.

Ciidamada dowlada oo la sheegay in ay ka tageen saldhig ku yaal Balli-Doogle oo xarun u ahayd. Mana jirto wax war ah oo ka soo baxay dowlada iyo ururka Alshabaab oo ku saabsan iskahorimaadkan.