{DAWWO SAWIRADA} Ciidamo cusub oo Muqdisho lageeyey kadib markii ay ,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,

0
176

Dowladda Uganda ayaa Soomaaliya u soo dirtey cutubkii ugu horreeyay ciidammo cusub ah,kuwaaso  ka soo degay Muqdisho.

Waxaa la sheegay inay beddeli doonan ciidamo ka tirsan kuwa ka socda Uganda oo horay ugu sugnaa Soomaaliya, kuwaasoo howshii ay u joogeen Soomaaliya dhameystay.

Ciidamadan cusub oo qayb ka noqonaya AMISOM ayaa waxay bedeli doonaan ciidammo ka howlgalayay gobolka Shabeellada Hoose ee Koonfurta Soomaaliya, kuwaasoo uu taliye u ahaa, Col. Silvio Aguma, isla markaana ah ku simaha taliyaha ciidanka lugta ee Uganda, iyadoo ciidamadan Muqdisho soo gaarayna uu taliye u yahay Col. Bob Ogik.

Sidoo kale, Col. Aguma oo salaan-sharaf ka qaatay ciidamada Muqdisho soo gaaray ayaa sheegay in ciidamadii hore ee ay bedelayaan ay howl wanaagsan ka qabteen Soomaaliya muddadii halka sano ahayd ee ay joogeen, uuna kuwa cusub u rajeynayo inay howl fiican iyaguna qabtaan muddada ay shaqeynayaan.

“Runtii ciidamada dib ugu laabanaya Uganda waxay qabteen howl wanaagsan. Ciidamadan waxay ka howlgalayeen agagaarka Baraawe, waxaana ciidamadaan cusub la geyn doonaa degmada Baraawe, waxaana la idinka doonayaa inaad howl wanaagsan qabataan idinkoo matala dalkiinna,” ayuu Col. Aguma mar kale yiri.

Diyaaraddii keenay ciidamada cusub ee waddanka Uganda ka socda ayaa waxaa lagu celiyay ciidamadii horay uga howlgalayay Somalia ee ka socday Uganda, kuwaasoo muddadii shaqadooda dhameystay.

Uganda ayaa waxaa Soomaaliya kaga sugan ciidamada ugu badan ee hawl-galka AMISOM, waxaana Xamar la keenay sannadkii 2007-dii, iyagoo tan iyo xilligaas ka howlgalayay Soomaaliya.

2 3 4 5 7 6