Deg Deg:- Geerida Cabdirashiid Ilqeyte oo laxaqiijiyay Iyo Gudaha Hotelka oo,,,

0
746

Warar goor dhaw na soo gaaray ayaa sheegaya  in Dadka ku dhintay Weerarka Hoteel Saxaafi uu ku jiro Allah ha u naxariistee Milkilihii Hotelka Saxaafi C/rashiid Shirre Ilqeyte.

Wararka ayaa sheegaya in Weerarka ay ku dhinteen ilaa 5 Ruux oo iskugu jira Mas’uuliyiin iyo Shacab.

C/rashiid Ilqeyte ayaa ahaa Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga  Gobolka Banaadir.

Sidoo kale Dadka dhintay ayaa waxaa ka mid ah Wariye Mustaf Shafaana oo Kaamiro Man u ah Tv-ga Al-jaziira.

Sidoo kale Wararka ayaa sheegaya inuu Weerarka ku dhaawacmay Gen Gacma Duule oo ka tirsan Saraakiisha Ciidamada Xoogga.