DEG DEG Koox Hubeeysan Oo Saddex Ruux Ku Dishay Degmada Balanbal

0
192

Wararka naga soo gaaraya Degmada Balanbal ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Koox Hubeeysan ay halkaa ku dishay Saddex Ruux oo uu ku jiro Nin Nabadoon ah.

Dilka ayaa ka dhacay Duleedka Balanbal,iyadoo Wararku ay sheegayaan in Dadka Dhintay ay ka baxeen Degmada Balanbal islamarkaana ay ku siijeedeen  Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Sidoo kale Wararka ayaa intaa ku daraya in Dadka Weerarka lagu qaaday uu ku jiray Mas’uul Degmada Guriceel Guddoomiye horay uga soo noqday haddana Maamulka Galmudug ay doonayeen in Degmadaasi ay Guddoomiye uga dhigaan oo lagu Magacaabo Cali Falko.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in Cali Falko uu Weerarka lagu qaaday Gaadiidka uu la socday ee Saddexda Qof lagu dilay uu asagu ka badbaaday.

Waxaa sidoo Weerarkaasi ku dhawacmay  Nin Nabadoon ah oo la socday Gaadiidka Weerarka lagu qaaday.

Ma jirto Cid sheegatay Mas’uuliyada Weerarka maanta ka dhacay Degmada Balanbal ee Gobolka Galgaduud.