Dhalinyarada Kenya Oo Wali Ka Baxsanaya Xarakada Al-shabab

0
242

Wasiirka arimaha gudaha dalka Kenya Joseph Nkaissery ayaa sheegay in boqolaal kale oo dhalinyarada Kenya ay kasoo baxayaan Xarakada Al-shabab ee Soomaliya kuwaasi oo guryahooda dib ugu laabanaya.

Joseph Nkaissery ayaa hadalkaan saxaafada ugu sheegay xafiiskiisa magaalada Nairobi balse ma uusan carabaabin tirada dhalinta soo laabatay,talabadaan ayaa daba socoto cafiskii bishii April ee xukumada Kenya u fidisay dhalinyarada Kenyaatiga ah ee ku biiray Al-shabab.
Warbixin waqti hore soo baxday ay diyaariyeen Dowladda Kenya,IOM iyo Golaha Muslimiinta Kenya waxa lagu shaaciyay in 700-dhalinyaro ay kasoo goosteen Al-shabab.
Saraakiisha ayaa ku baaqay in xukuumada ay lacag ay siiso dhalinyarada soo laabanaya iyadoo loo sababeeyay in qaar kamid ah dhalintasi ay lacag u galeen Xarakada Al-shabab.
Sidoo kale saraakiisha ayaa soo jeediyay in la sameeyo hay’ado u xilsaaran sidii dhalintaasi usoo dhaweeyan.
Waxaa jira dhalinyaradii dib ugu laabtay Kenya oo iyagu wali aan bulshada kusoo laaban baqdin ay ka qabaan in ay la kulmaan beegsi.