Diblomaasi Ajnabi ah oo kamid noqday dadkii lagu dilay Weerarkii lagu qaaday Hotelka Saxafi

0
170

Dowlada Kenya ayaa xaqiijisay in Diblomaasi u dhashay dalkaasi lagu dilay Weerarkii shalay dagaalyahano hubeesan oo katirsan Xarakada Al-Shabaab ku qaadeen Hotelka Saxafi ee Magaaada Muqdisho.

War Qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa lagu sheegay in Diblomaasi Kenyan ah uu kamid noqday dadkii faraha badnaa ee shalay lagu dilay Weerarkii lagu qaaday Dhismaha Hotelka Saxafi.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya, Faah faahin dheeri ah kama aysan bixin Diblomaasi looga dilay Weerarkii lagu qaaday Hotelka Saxafi, Wasaarada ayaan sidoo kale soo bandhigin magaca Diblomaasigaasi la dilay.

Waxaay sidoo kale sheegtay Wasaarada Arimaha Dibada Dowlada Kenya in ay nabad qabaan diblomasaiyiinta kale ee ka jooga Magaalada Muqdisho ayna si caadi ah u wataan howlahooda.

Weerarkii shalay lagu qaaday Hotelka Saxafi ay Masuuliyadiisa sheegatay Al-Shabaab ayaa lau dilay dad ka badan 25-qof ay ku jiraan Masuuliyiin katirsan Dowlada, Ganacsato iyo dad kale oo shacab ah oo ka agdhawaa Hotelka xiliga weerarku dhacayay.