Dooni Ganacsi Oo Ku Sii Jeeday Puntland Oo Ku Degtay Badda U Dhaxaysa Dalalka Yaman Iyo Cumaan

0
226

Sida aan waraarka ku heleeyno Dooni u rarnayd Ganacsato Puntland ah ayaa ku dagtay badda u dhaxaysa dalalka Yaman iyo Cumaan,taasi oo lagu soo waramaayo in aay kusi wajahneyd  magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha,Gaadiidka badda iyo La dagaalanka Burcadbadeeda Cabdullaahi Jaamac oo la hadlay Warbaahinta ,ayaa sheegay in Doonida oo lagu magacaabo Al-Akbari ay waday Maciishada noocayadeeda kala duwan.

Waxaa xusid mudan in Doonta dagtay ay kaso shiracatay dalka Imaaraatka Carabta,ayna qayb ka ahayd Doonyaha Ganacsi ee uso rarnaa Puntland.

ma ahaa marki uguu horeysay oo dooni aay ku dagto badda u dhaxaysa dalalka Yaman iyo Cumaan