Dowlada oo Gudi u saartay Xisad Xuduudeedka Soomaaliya iyo Kenya.

0
264

Kulan ay wada qaateen Gudiyada Arimaha Gudaha iyo Arimaha Dibada ee Baarlamaanka iyo Gudoonka sare ee Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa lagu Magacaabay Gudi qaraar rasmi ah ka soo saara xadgudubka Bada iyo Barrigaba leh ee Dowlada Kenya ku heyso Soomaaliya si loo hor geeyo Baarlamaanka.

Gudoomiye Ku xigeenka Gudiga Arimaha Dibada Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cumar Dalxa ayaa warbaahinta u  sheegay in Gudigaasi la Magacaabay uu sida ugu dhaqsiyaha badan u shaqo gali doono.