Dowlada Ruushka Oo Dib u Soo Celineyso Dalxiisayaashii jooga Sharma el-Sheik

0
201

Dowlada Ruushka ayaa bilowday inay dib ugu soo celiso dalkeeda kumanaan dalxiisayaal ah oo ku tamashleynayay xeebaha magaalada Sharma el-Sheikh ee dalka Masar.24kii saac ee la soo dhaafay ayaa dalziisayaal tiradooda lagu sheegay inay gaareyso 11,000 waxaa laga soo dejiyay garoomada diyaaradaha dalka Ruushka gaar ahaan magaalada Moscow.

Xukuumada Moscow ayaa ku dhowaaqday Jimcihii in ay joojinayso duulimaadyada dalka Masar kadib markii ay diyaarad laga leeyahay dalka Ruushka ay ku dhacday Sinai, iyadoo laga shakisan yahay in diyaarada ay soo ridey bam la saaray.

Munaasabad baroordiiq ah ayaa lagu qabtay magalada St Petersburg iyadoo 224ka ruux ee diyaarada saarneyd badankood ay ahaayeen dad u dhashay dalka Ruushka. Dhinaca kale diyaarad sida meydadka dadkii ku dhintey burburka diyaarada ayaa soo gaartay magaalada St Petersburg gaar ahaan garoonka diyaaradaha ee Pulkovo iyadoo weli ay socoto baaritaano lagu kala ogaanayo meydadka.

Dowlada Britain ayaa ka duulisay magaalada Sharm el-Sheikh illaa iyo 3,500 oo dalxiisayaal ah kadib burburkii diyaarada Ruushka ee 31kii bishii hore. UK ayaa hakisay dhammaan duulimaadyadii ka soo tegeyay iyo kuwii u duulayay magaalada loo dalxiis tago ee Sharma kadib burburkii diyaarada Ruushka.

Dalxiisayaal Ruush ah oo gaaraya 11,000 ruux magaalada Sharma hadana waxaa la rumeysan yahay inay weli ku sugan yihiin dalxiisayaal tiradoodu gaareyso toddobaatan kun.