Dowlada Ruushka Oo Shaacisay Sababihii ka Dambeeyay Diyaaradii ku Bur burtay Masar

0
197

Dowlada Ruushka ayaa maanta oo talaado ah markii ugu horeesay shaaca ka qaaday sababihii ka dambeeyay bur burka Diyaarad laga lahaa Dalkaasi oo dhawaan kusoo dhacday Gobolka Siinaay ee Dalka Masar.

Madaxa sirdoonka Ruushka ayaa xaqiijiyay in Bur burka diyaaradaasi ay sabab u aheed waxyaabo qarxa oo gudaha Diyaaradaasi la saaray, waxaana cadeeyay in la helay oo baaritaano lagu sameeyay haraadiga waxyaabaha qarxa oo la saaray Diyaaradaasi.

Waxa uu intaa raaciyay madaxa hay’adda FSB Alexander Bortnikov n qaraxa diyaaradda uu ka dhashay aalad qaraxda ee TNT oo culeeskeedu ahaa 1.5 kiilo, qaraxaasi oo sababay in Diyaarada ay hawada sare ku bur burto..

Baaritaanka lagu sameenayay isbuucyo ayna iska kaashadeen Khuburo Ruush iyo Masaari ah ayaa lagu ogaaday in Diyaaradii bur burtay 31-kii October la saaray waxyaabah qarxa , waxaana Diyaaradaasi oo ka duushay Magaalada Sharmo Sheikh ay kusoo dhacday Gobolka Siinay.

Diyaaradan waxaa saarnaa kuna geeriyooday dad gaarayay 224-qof oo badankood ay kasoo jeedeen Dalka Ruushka, waxaana masuuliyada riditaanka Diyaarada si deg deg ah u sheegtay Kooxda Khilaafada Islaamka ee Daacish.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa saaka sheegay in diyaarada ay soo rideen Kooxo argagaxiso, waxa uuna amar ku bixiyay Madaxweynaha in laamaha amaanka ay baadi goobaan kooxihii ka dambeeyay riditaanka Diyaarada, isagoona wacad ku maray inuu soo heli doono oo uu ciqaabi doono qof kasta oo falkaas mas’uul ka ahaa

Diyaarada laga lahaa Dalka Ruushka ee lagu soo riday Dalka Masar ayaa sabab u noqotay in Magaalada Dalxiiska loo tago ee Sharmo Sheikh ay ka baxaan Kumanaan Dalxiisayaal ajaaniib ah, waxaa sidoo kale Dowladaha qaar ay joojiyeenin Diyaaradahooda ay tagaan dalka Masar.