Dowlada Uganda Oo Ciidankeeda Heegan Galisay Cabsi ay ka Qabto Werara Kaga Yimaada Al-shabaab

0
190

Ciidamada  amaanka wadanka Uganda ayaa kor uqaaday amaanka wadankaasi kadib markii qaraxyo iyo weeraro khasaare geystay ay ka dhaceen caasimada wadanka Faransiiska ee Paris halkaa oo ay kudhinteen in kabadna 127 ruux, dhaawacuna uu ad u tira badanyahay, waxayna dowlada Uganda ka cabsi qabtaa in weerar lamid ah kii Paris ay Al-shabab ka geystaan caasimada Kampala.

Fred Enanga,  oo ah afhayeen uhadlay boolsika wadanka Uganda ayaa qadka Telephonka Kampala ugu sheegay wakaalada wararka ee Xinhua inay ciidamo dheeri ah u daabuleen caasimada Kampala xarumaha ugu muhiimsan sida garoonka Entebbe.

“Ma xamilo karno waxyaabihii ka dhacay Paris waxaan sare u qaadnay amaanka dalka si ay uga nabad galaan dadkeynu weeraro argagixiso “ ayuu yiri  Enanga.

Cabsida odowlada Uganda ayaa daba socota mashaqadii ka dhacday Paris oo ay nafsadooda ku waayeen 127 ruux iyadoo dhaawacyo ay kasoo gaareen 200 in kudhow intii ay caasimada ka dhacayeen qaraxyada iyo Weerarada goos-gooska ah .

Afhayeenka Boolisku wuxuu hadalkiisa kusii daray isagoo sii hadlaye in ay jirto sabab kaloo ay amaanka sare ugu qaadeen taa oo ah in wax qal-qal ah uusan ku imaanin booqashada Pope-ka madhabka Chatolika ee Pope Francis oo la filayo in dabayaaqada bishan uu safar ku kala bixiyo wadamo Bariga afrika dhaca.

Dowlada Uganda ayaa si joogta ah hanjabaado weerar ugala kulmeysay Al-shabab oo Al-Qaeda xiriir lalahe oo horay weerar bambaano oo kadhacay caasimada Kampala sanadkii 2010 sheegtay masuuliyadiisa islamarkaana ay ku nafwaayeen daraaziin dad ah oo xiligaa ciyaar daawanaye.

Uganda waxa xubin ka tahay wadamada ciidamadu ay ka joogaan Soomaaliya qeybtana ka ah howlgalka midowga Afrika ee AMISOM  kuwaa oo wada dagaal kadhanka ah Al-shabab oo Al-Qaeda xiriir laleh.