Dowladda Soomaaliya oo Iiraan ku Wareejisay Muwaadiniin u dhalatay Iiraan

0
176

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumada Soomaaliya C/Risaaq Cumar Maxamed waxaa uu sheegay in  Ciidanka Amniga ee Dowladda iyo kuwa Maamulka Galmudug ay ku guuleysteen in ay soo bad-baadiyaan Afar Qof oo u dhashay Dalka Iiraan kuwaas oo Burcad Badeed ugu Afduubnaa Gobolka Galgaduud meelo kamida.

Wasiirka Amnigu waxaa uu sheegay in arrintan sidii ay ku hirgali laheyd mudo dheer laga shaqeynayey sidii loogu tala galayna ay u dhacday.

C/Risaaq Cumar Maxamed ayaa waxaa kale oo uu tilaamay  in Ciidanka Amnigu ay gacanta ku soo dhigeen Hub farabadan oo Kooxda Afduubka ugu heystay Dadkan ay heysteen.

Waxaa Afarta Ruux  oo u dhashay Dalka Iiraan ay Dowladda Soomaaliya ku wareejisay Safaaradda Iiraan ee Muqdisho iyaga oo badqaba.