Duqa Muqdisho oo ku dhawaaqay in si KMG ah loo hakiyay Dacwadaha La Xiriira Dhulalka

0
329

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Sheeq Yuusuf Jimcaale ayaa maanta shaaciyay in si KMG ah loo hakiyay dacwadaha la xariira dhulalka iyo Guryaha kuyaala Magaalada Muqdisho.

Waxa uu xusay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir in si KMG ah loo hakiyay dacwadaha iyo arimaha kale ee la xariira dhulalka, dibna laga soo bandhigi doono waqtiga la billaabayo qaadista dacwadaha la xariira dhualalka.

” Waxaan halkan ka cadeenayaa in si KMG ah aan u hakinay dacwadaha la xariira dhulalka ku yaala Gobolka Banaadir, waxaan idnka codsanayaa in aad soo sheegtaan hadii aad aragtan qof dhul jiid jiidaya ama ka shaqeenaya arimo dhul” Ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Arimaha dhulalka iyo guryaha la isku heesto Magaalada Muqdisho ayaa mudoonyikii dambe ahaa kuwa kiisaskooda ay taagnaayeen, waxaana jira dhaiilo badan oo Maamulkii Muungaab loogu jeediyay arimaha la xaiira dhulalka iyo sida loo maareeyay.