Faah Faahin Dheraad ah Iyo Jeneraal Dhaga badan oo ka mid noqday dadka Hoteel Saxafi ku geeriyooday

0
250

Dadka geeriyooday, ayaa waxaa ka mid ah Abaanduulihii hore ee ciidamada Xooga dalka Somaliya Generaal C/kariin Yuusuf Dhaga badan, Milkiilaha Hoteel Saxafi C/rashiid Il Qayte iyo Xildhibaan Cabdi Maxamed Abtidoon.

Waxaa kale oo la xaqiijiyay in uu dhaawac yahay Cali Caraaye Cosoble oo ka tirsan Saraakiisha ciidamada Xooga dalka Somaliya oo la sheegay in dhaawac uu ka soo gaaray weerarka.
Dad kale oo Siyaasiyiin ah ayaa la soo sheegayaa inay ku dhaawacmeen weerarkaasi oo ahaa mid qorsheysan, islamarkaana masuuliyadiisa ay sheegteen Ururka Al Shabaab.
Xaalada Hoteel Saxafi ayaa weli waxa ay tahay mid aad u kacsan, waxaana Hoteelka ku sugan ciidamada kala duwan ee Dowladda Federalka Somaliya.
Gaadiidka Gurmadka deg deg ayaa lagu qaaday dhaawacyo kala duwan, waxaana la geeyay badi dadka dhaawaca ah Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.
Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliya C/raxmaan Odawaa ayaa goor dhaweyd gaaray Isbitaal Madiina, halkaasi oo uu eegayo dadka dhaawacyada ay soo gaartay xaaladooda.
Khasaaraha weerarkaan ka dhashay ayaan ilaa hada si rasmi ah loo ogeyn, marka laga reebo masuuliyiinta la ogaaday inay ku dhinten weerarkaan.