Faah faahin kasoo baxeyso dagaal u dhaxeeyo ciidamo Puntland iyo Koox Dabley ah oo ka dhacay kaalkacyo

0
310

Ugu yaraan labo ruux ayaa ku geeriyootay weerar ay maanta kooxo hubaysan ku qaadeen mid kamid ah xarumo dhawaan maamulka gobolka Mudug uu kala wereegay dad shacab ah oo ku taala xarunta gobolka Mudug ee Gaalkacyo.

Goobtan la weeraray ayaa horey u ahaan jirtay xaruntii howlaha guud iyo Gaadiidka ,taasi oo bilo ka hor lagu wareejiyay maamulka gobolka Mudug ee Puntland,waxaana iska caabin dhex- martay maleeshiyaadka iyo ciidamo ka tirsan Puntland ku dhaawacmay in ka badan 10 oo qof.

Taliyaha ciidanka birmadka Puntland ee Gobolka Mudug Cabdirashiid Gibi-Gibi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in weerarkan uu hogaaminayay nin sheeganayay in uu dhulka isaga leeyahay ,isla markaana ciidanka ay iska caabiyeen weerarka lagu soo qaaday.

Agaasimaha guud ee magaalada Gaalkacyo Maxamuud Xuseen Aadan oo isna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Isbitalka la keenay labo qof oo mayd ah iyo dhaawaca 11-ruux oo kale, kuwaasoo ay waxyeelo ka soo gaartay is-rasaasayntii labada dhinac dhex martay.

Ugu dambeyn, Gaalkacyo ayaa bilihii lasoo dhaafay ahayd mid dagan, waxaana madaxweynaha Puntland uu xariga ka jiray dhowr mashruuc oo lagu banaynayo xarumo dowladeed oo ku yaala magaalada Gaalkacyo.