Faransiiska oo ku hanjabay inuu sii wadayo duqeynta cirka ee ka dhanka ah Daacish

0
295

Ra’iisul Wasaaraha Faransiiska ayaa sheegay inay sii wadayaan duqeynta cirka ah ee ka dhanka ah dowladda Ismaaliga ee Suuriya iyo Ciraaq.

Isagoo la hadlayay Telefishin ku yaal Faransiiska ayaa sheegay inay ka aar-goosanayaan Kooxda IS ama Daacish.

“Waa bur burin doonaa Argagixisada, waan ka aar-goosan doonaan, duqeynta Faransiiska waa uu sii wadayaa”ayuu yiri Manuel Valls.

Kooxda Daacish ayaa horay u sheegtay mas’uuliyada weerarkaas, waxaana ay xustay in qaar ka mid ah dagaalyahanadeeda ay si taxadar ku jira ay weeraro uga fuliyeen qeybo ka mid ah magaalada Paris.

Baaritaanada ku aadan weerarka ayaa wali socda, waxaana la aqoonsaday ninkii u horeeyay ee fuliyay weerarka, waxaana magaciisa lagu sheegay Omar Ismail Mustafa oo Faransiis ah.

Sidoo kale waxaa la helay Baasaboor Suuriyaan ah oo la rumeysan yahay mid ka mid ah raggii isku qarxiyay banaanka Garoonka Kubada Cagta Stade de France inuu lahaa, waxaana ninkan uu qaxooti ahaan ku soo galay dalka Greece, isagoo soo maray Serbia.

Booliska Faransiiska ayaa gacanta ku dhigay mid ka mid ah baabuurtii ay adeegsadeen kooxdii weerarka fulisay ee toogashada ka geysatay maqaayado ku yaalla Paris, waxaana baabuurkaas laga dhex helay hub.

Labada baabuur ee ay adeegsadeen kooxdii weerarka fulisay ayaa waxay ka diiwaan gishanayaayeen Belgium, halkaasoo laga soo kireystay, waxaana Belgium ka socda howl gallo la xiriira weerarkii Paris, iyadoo illaa saddex ruux gacanta lagu dhigay.

Illaa 129 ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen weerarkaas, halka 350 kalena ay dhaawacmeen, waxaana Faransiiska looga dhawaaqay saddex maalmood oo baroor diiq ah.

franceska Manuel Valls