Gobala Katirsan Mareykanka Oo Ka Soo Horjestay Qaxootiga Siiriye

0
215

Mareykankana, qaar ka mid ah gobarnatoorayaasha gobollada qaar ayaa sheegaya inay diidi doonaan in qaxootiga Suuriya ay qaabilaan kaddib weeraradii Paris.

Waaxda arrimaha dibadda ayaa sheegtay in Mareykanka uu qaabilayo 10 kun oo qaxooti Suuriya u dhashay ah sanadka soo socda.

Laakiin, tiro ka mid ah Barasaabyada xisbiga Jamhuuriga waxa ay tilaameen inaysan qaxootigaasi ku soo dhaweyn doonin gobolada ay maamulaan.

Sida uu madaxweyne Obama ka sheegay shirkada dalalka G20 ee Turkiga ka dhacay, waxa uu dadka Mareykanka ku booriyay inay sii wadaan soo dhaweynta qaxootigaasi, aysanna tallaabooyiinkaasi xakameynta ah qaadin.

Laakiin, Rick Snyder oo ah gudoomiyaha Michigan ayaa waxa uu noqday qofkii ugu horeeyay ee tallaabadaasi ku dhawaaqa asigoo sabab uga dhigaya haliska wax uu ugu yeeray argagixisada.

Ugu yaraan lix gobol oo kale oo ay ka mid yihiin, Taxes, Alabama iyo Arkansas ayaa tallaabadaasi mid la mid ah ku dhawaaqay.

Sidoo kale mid ka mid ah musharrixiinta ugu cadcad ee xisbiga Jamhuuriga, Ben Carson ayaa ku baaqay in tijaabo dhanka fikradda ah laga qaado qaxooyiga ka hor inta aysan Mareykanka galin.

Iyadoo taasi ay jirto, ayaa afhayeen u hadlay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobeey, Ban Ki-moon waxa uu ku baaqayaa in laga damqado oo loo naxariisto qaxootiga Suuriya.

Stephane Dujarric waxa uu tilmaamay in dadkan ay yihiin kuwa kasoo qaxaya dhibaatada kooxda labaxday Qilaafada islaamka ee dalkooda ka taagan.

Laakiin, Walaaca arrintan ayaa waxa uu u muuqataa inay tahay mid hadda ay ka fikirayaa inbadan oo ka mid ah dadka codkooda dhiibanaya.

Aragti cusub oo dadka laga uruuriyay waxa ay muujineysaa in inkabadan kala bar dadka Mareykanka ay rumeysan yihiin in qaxootiga Suuriya ay dalkaasi ka dhigi karaan meel amnidaro ay ka jirto.

Macadda awoodda ay barasaabyadan isticmaalayaan inay dadka ku joojiyaan marka ay isaga gudbayaan gobolada dalkaasi mar haddii Mareykanka ay gaaraan.

Laakiin shaki kuma jiro in arrintan ay noqoneyso mid siyaasadeed oo aad u ballaaran, ayna sii xoojineyso muranka ku saabsan soogalootiga siguud.