Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midobay Oo Ka Doodaya Xaalada Soomaaliya

0
185

Golaha amaanka QM ayaa maanta yeelanaya kulan heer wasiiro ah oo looga hadlaayo xaalada dalka Soomaaliya iyo sidoo kale go’aan ka gaarista samaynta xafiiskii badali lahaa midka QM ee hadda taagera howlgalka AMISOM.

Fadhiga golaha amaanka waxaa shir gudoominaya wasiirka arimaha dibada dalka Britten Flib Hamond,waxana la filayaa inuu kulanka ka qeyb galo xoghayaha guud ee QM Ban Ki Mun,Ergaygiisa gaarka ah ee Somalia u qaabilsan Nickolas Key,Ra’iisul wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke,sidoo kale waxaa la filayaa in diplomasiyiin sare oo midowga Afrika ay ka qayb galaan shirkaasi.

Golaha ayaa ka doodaya qaraar qabyo ah oo ay soo diyaarisay Britten lana hor dhigay 30-kii October golaha amaanka si ay uga soo doodan.

Mashruucaan ayaa ku saabsan soo jeedin ay diyaariyeen Guddi ka kooban QM Iyo Midowga Afrika si looso dhiso ergada QM ee ka howlgalaya Somalia badelna u noqonaya UNSOM.

Sidoo kale shirka ayaa looga doodi doonaa soojeedintii 7-october ee uu Ban Ki Mun hor dhigay golaha amaanka kaas oo tilmaamayay in la joogteeyo taagerida ciidamada AMISOM iyo ciidamo ka kooban 22 ilaa 126-askari QM ka socda oo loo dhamaystiraayo hubkooda iyo 70-shaqaale rayid ah,sidoo kale taageradaasi waxaa ku jira balaarinta taagerida ciidamada qaranka Soomaaliya.

Xubnha 3-da ah ee Afrika uga jira golaha amaanka Najeeriya,Chad iyo Angola ayaa golaha ka dalbaday in waqti dheer la siiyo si isbadal loogu smaeeyo qorshaha lasoo jeediyay balse waxa uu ka hor imaanaya soo jeedinta Ururka Midowga Afrika Iyo QM.