Golaha ammaanka ee QM oo ka hadlay Weerarkii ka dhacay Hotelka Saxafi ee Muqdisho

0
173

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa hambaareeyay weerarkii ka dhacay Hotel Saxafi oo masuuliyadiisa ay sheegteen ururka Alshabaab, kaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

“Xubnaha golaha amaanka waxay tacsi u dirayaan qoysaska dadkooda waxyeelada kasoo gaartay weerarka, si lamid ah shacabka iyo dowlada Soomaaliyeed tacsi ayay golaha amaanka u dirayaan, iyagoo kaga tacsiyeynaya weerarkii hotel Saxafi”ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiska afhayeenka Qaramada Midoobay.
Golaha amaanka ayaa qoraalkooda ku sheegay iney amaanayaan jawaabta weerarkaasi shalaya ay ka bixyeen ciidamada qaranka Soomaaliya oo kooxdii weerarka qaaday ku dilay dhismaha hotelka, sida warbixinta lagu sheegay.
Sidoo kale golaha ayaa sheegay iney isku waafaqsan yihiin la dagaalanka kooxaha amni darada ka wada dalka Soomaaliya noocyadooda kala duwan, iyadoo loo eegayo axdiga Qaramada Midoobay.
“Xubnaha golaha amaanka waxay markale xaqiijinayaan in Noocyada Argagixisada ay yihiin mid kamid ah qatarta amaanka iyo xasiloonida, waana dambiilayaal meel kasta oo ay joogaan”ayaa lagi yiri qoraalka golaha amaanka.
Golaha amaanka ayaa ka dalbaday wadamada caalamka iney si firfircoon ula shaqeeyaan madaxda dowlada Soomaaliya, six al looga gaaro xaaladaha dhanka amaanka ee dalka.
Ugu dambeyn golaha amaanka ayaa sheegay iney dowlada Soomaaliya ka taageerayaan habka loogu gudbi karo nabad iyo xasilooni, si looga adkaado Al-shabaab.