Guddiga Amniga Baarlamaanka oo la Xisaabtamaya Wasaaradda Amniga

0
188

Ka dib markii uu shalay dhacay Weerarkii khasaaraha badan dhaliyey ee Hotel Saxafi ayaa arrintaas waxaa kale oo ka hadlay Gudiga Aarrimaha Gudaha iyo Amniga ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana ay sheegeen in ay laxisaab tamayaan Masuuliyiinta Wasaaradda Amniga Gudaha Cidii shaqo wanaagsan qabatay ay ku dhiiri galiyaan, cida aanan shaqadeeda sidii laagu talagalay aanan u qabana in ay Baarlamaanka horgeynayaan si laxisaabtan loogu sameeyo.

Gudoomiye kuxigeenka Gudiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Baarlamanka Federaalka ah, Daahir Amiin Jeesow oo lahadlay Warbaahinta ayaa waxaa kale oo uu tilmaamy in ay bogaadin mudan yihiin Ciidankii shalay ka howlgalayey Hotelka Saxafi.

Dhanka kale waxaa uu Xildhibaan Daahir Jeesow ugu baaqay in Shacabka Soomaaliyeed ay muhiim tahay in ay ogaadaan dhagarta Al Shabaab iyo qataraha ka iman kara.

Dad badan ayaa shalay kudhintay Weerarkii iyo Qaraxyadii is daba socday ee shalay ka dhacay Hotelka Saxafi ee Muqdisho.