Guddiyada Arrimaha Gudaha Iyo Arrimaha Dibadda Ee Baarlamaanka Oo Wax Laga Weydiinayo Muranka Kenya

0
175

Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Jeylaani Nuur Iikar ayaa u yeeray in ay yimaadaan Guddiyada Arrimaha Dibadda iyo Arrimaha Gudaha ee Baarlamaanka Soomaaliya u qaabilsan si wax looga weydiiyo Xad gudubyo la sheegay in Kenya ay ku hayso Dhulka Soomaaliya.

Mudane Jeylaani Nuur Iikar ayaa sheegay in Guddiyadaan laga doonayo in wax laga weydiiyo wax ay ka Og yihiin Arrimaha Kenya gaar ahaan Darbiga laga dhisayo xadka Labada Dal iyo Dhismaha Darbigaasi oo la tilmaamay inuu soo galay Dhulka Soomaaliya.

Arrinta Darbiga Kenya ayaa Muran xoogan ka dhex dhalisay Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya,iyadoo sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu sheegay in Kenya iyo Dowladda Soomaaliya uu u socdo wada Xaajood ku aadan Dhismaha darbiga iyo baaritaan lagu sameynayo ku Xad gudubka Kenya la sheegay in ay  ku sameysay Dhulka Soomaaliya.