{DOOWO SAWIRADA}Guddoomiyaha Xiriirka Kubbada Cagta Jowhar Oo Ladoortay Kabdi Markii…..

0
219

Kooxaha kubbada cagta heerka koowaad ee degmada Jowhar ayaa maanta u doortay Yuusuf Xaamud Jaras inuu noqdo guddoomiyaha xiriirka kubbada cagta degmada Jowhar.

14 ka mid ah 18ka kooxood ee heerka koowaad ee degmada Jowhar ayaa u codeeyay Yuusuf Xaamud Jaras halka ay 4 koox ay u codeysay Guuleed Cabdi Guuleed oo la tartamayay Yuusuf Xaamud oo muddo dheer ku soo dhex jirey isboortiga degmada Jowhar.

Doorashadan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin heer degmo iyo heer gobol ah iyadoo munaasabadii doorashada kadib ay kula dardaarmeen bahweynta isboortiga degmada Jowhar mas’uuliyiintii kulanka goobjooga ka ahayd.

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada maamulka gobolka Sh/dhexe Muxumad Sugaal Cabdi oo ka hadlay goobta ayaa kula dardaarmay kooxaha ka dhisan degmada Jowhar inay ku dadaalaan sidii loo horumarin lahaa ciyaaraha degmada ayna ka fogaadaan waxwalba oo khilaaf sababi kara.

Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka degmada Jowhar ee arrimaha Bulshada ayaa ugu baaqay bahweynta isboortiga degmada inay kor u qaadaan ciyaaraha ayna hormariyaan ciyaaraha kale ee jira sida tartamada kubbada kolayga,ciyaaraha fudud iyo tartamada kale.

Doorashadan ayaa waxaa goobjoog ka ahay orodyahand caan ka ahayd gobolka iyo dalka Caasho Nuukaay oo ka hadashay heerkii uu soo maray isboortiga degmada iyo kan gobolka iyadoo xusuusisay in koobkii ugu dambeeyay ee dowladii hore ee Siyaad Barre gobolka Sh/dhexe uu ahaa gobolkii hantiyay.

Khilaaf sababay in guddoomiye ku xigeenkii hore ee kubbada cagta degmada Jowhar Ismaaciil Xasan Cali uu iska casilo xilkii uu hayay ayaa keentay in doorashadan la qabto.

Waxaana hakad ku yimid intii uu khilaafka socday guud ahaan isboortigii degmada Jowhar ee dhanka kubbada cagta.

Guddoomiyaha cusub ee la doortay Yuusuf Xaamud ayaa ballanqaaday in uu horumarin doono isbooritga degmada uuna dib u soo celin doono sharaftii degmada Jowhar ay ku lahayd ciyaaraha kubbada cagta.

doorasho (7)doorasho (6)doorasho (5)doorasho (4)doorasho (3)doorasho (2)doorasho (1)