Gudiga doorashada Baarlamaanka Puntland oo Shaaciyay Xilliga la dooranayo Gudoomiyaha Baarlamaanka

0
196
Guddiga loo saaray doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa maanta warbaahinta u sheegay xilliga ay qabsoomayo doorashada Afhayeenka.

Guddiga ayaa sheegay Isniinta soo socota bishuna ku beegan tahay 9-11-2015 la qaban doono doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka galinka danbe ee maalintaasi, waxayna ku war galiyeen murashaxiinta xilkan doonaya iyo qaybaha kala ee Baarlamaanka.

Cabdixakiin Dhooba-dareed, Axmed Cali Xaashi iyo Maxamed Axmed ayaa ilaa hada u taagan xilka gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland, waxayna dadku aad u xiisaynayaan cida hoggaamin doonta baarlamanka Puntland.