Haweeney Lagu Diley Magaalada Muqdisho Qofkii Dilayna Oo La Toogtay

0
194

Nin ku hubeysnaa bastoolad ayaa toogasho ku diley haweeney ku sugneyd suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho

Dilkan oo ka dhacay suuqa ganacsiga daawada ee Bakaaraha ayaa la sheegay in ay ku soo baxeen ciidamo nabadsugid ah kuwaasoo toogasho ku diley ninkii dhalinyarada ahaa ee dilka geystey.

Haweeneyda la diley ayaa magaceeda lagu sheegay Ubax Cali Dhubad waxayna ka mid ahayd dadka ka adeeganayay suuqa bakaaraha.

Lama oga sababta keentay in wiilkan dhalinyarada ah toogto haweeneyda Ubax Cali hase yeeshee waxaa lala xiriirinayaa wiilka ka dambeeyay dilkan inuu ka mid yahay ururka Alshabaab.

Waa markii ugu horeysay muddo bilooyin ah oo qof dil ka geysta suuqa Bakaaraha oo isla goobtaas lagu dilo.