Hay’ada IMB Oo Soo Saartay Bayaan Ka Hadlaysa Xaalada Xeebaha Soomaaliya

0
202

Waxaa ka soo wareegatay muddo saddex sanadood ah in aysan ka dhicin wax afduub ama qafaalasho maraakiibta marta xeebaha Soomaaliya iyo agagaarkeeda.

Ciidamo Milatari ah oo xeebaha Soomaaliya iyo xeebaha ka fogfog ka howlgaleen kadib ayaa waxaa soo dhamaaday weeraradii lag qaadayay maraakiibta waxana warbixin ay soo saartay ururka badaha caalamka IMB lagu sheegay in wax weerar burcad badeednimo ah aysan ka dhicin xeebaha Soomaaliya sanadkan.

Hase yeeshe Agaasimaha IMB Pottengal Mukundan ayaa ku baaqay in maraakiibta ay feejignaantooda sii wadaan oo aysan dabacsanaan ka arkin burcad badeeda.

Xilliyadii burcad badeeda ka jirtay xeebaha Soomaaliya waxaa sare u kacay qiimaha lagu kireysto maraakiibta maadaama cabsi xoog leh ka jirtey marinka muhiimka u ahaa isu socodka maraakiibta caalamka, waxayna maraakibta qaarkeed ay ku qasbaysay in ay maraan marin dheer si ay ugaga fogaadaan burcad badeeda.

Boqolaal dhalinyaro Soomaali ah oo loo haysto dambiyo  burcad badeednimo ah ayaa ku xiran xabsiyo kala duwan oo caalamka ah waxaana haysta dhalinyaradaas dhibaato dhinaca nolosha ah.

Dowlada Hindiya ayaa baahisay maanta in mid kamid ah burcad badeed Soomaliyeed oo ku xirey xabsi ku yaal dalka Hindiya uu u dhintey cudurka qaaxada. Dalka Hindiya ayaa waxaa ku xiran illaa iyo 120 dhalinyaro Soomaali ah oo loo haysto dambi ah burcad badeednimo.