Howlgal Ka Socda Magaalada Baardheere

0
185

Wararka ka imaanaya Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo, ayaa soo sheegaya ciidamada Dowladda Federalka Somaliya iyo ciidanka Itoobiya ee ku sugan Magaaladaasi inay halkaasi ka wadaan howlgal ammaanka lagu sugaayo.

Howlgalkaan oo ah mid culus oo ciidamada Dowladda ay ammaanka ku xaqiijinayaan, ayaa la sheegayaa inay galeen ciidanka Xaafado dhowr ah oo ku yaallo Magaalada.

Dadka Degmada Baardheere ku nool, ayaa ku soo toosay saaka, iyadoo xaafadaha Magaalada ay ku jiraan ciidamo ka tirsan Dowladda iyo kuwa Amisom oo baaritaano wada.

Ilaa hada ma cadda howlgalkaan dadka lagu soo qab qabtay, inkastoo Isgaarsiinta Magaalada ay hawada ka maqan tahay oo Saraakiisha ciidamada iyo masuuliyiinta Maamulka Degmada aanan lala xiriiri karin.

Howlgalka ayaa sidoo kale wuxuu ka socda duleedyada Degmada Baardheere oo ciidamada ay ku faafeen.