Interpol Oo Liiska Dadka La Baadigoobayo Ku Dartay Wiil Uu Adeer U Yahay R/wasaarihii Hore Ee Somalia

0
175

Warbixin ay soo saartay Hay’adda Interpol ayaa waxaa lagu sheegay in Liiska dadka ay raadinayso hay’adda lagu daray Faarax Maxa’ed Shirdoon Saacid.

Faarax ayaa waxaa adeer u ah Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, waxa ayna Hay’adu sheegtay in qabashada Faarax ay tahay guul usoo hoyaneysa dadka Afrikaanka.

Faarax oo 22 Sano Jir ah, ayaa Sanad kahor wuxuu ka tagay dalka Canada, gaar ahaan Magaalada Calgary oo uu ku noolaa, isagoo markaasi u safray Syria oo uu ugu biiray Ururka Daacish.

Hay’adda ayaa waxa ay Faarax la xiriirineysaa danbiyo kala duwan oo ay kamid tahay inuu Dhalinyaro badan oo u dhashay dalka Canada ku qalqaaliyay inay ku biiraan Daacish.

Warbixinta ka soo baxay Interpol ayaa loo adeegsaday in si weyn loo baadi goobayo wiilkaasi Soomaaliya ayna ku raadinayaan waxa ay ugu yeereen Ogeysiiska Guduudan “Red Notice” taasoo loola jeedo in si adag loo doon doonayo wiilkaasi.

Warbaahinta Kanada gaar ahaan kuwa la iska arko ayaa dhawaan baahiyay Video uu iska soo duubay Faarax Maxamed Shirdoon kaasoo uu ugu hanjabayay dadka Kanada iyo kuwa Ameerikaanka ah.

Ugu danbeyntii Interpol ayaa ku daabacsady Bogga Casaanka ah (Red Notice), kaasi oo lagu qoro dadka Argagaxisada ah ee ay sida wayn u raadinayso in loo soo gacangeliyo, si loo horgeeyo Cadaaladda.