IS oo toogatay labo muwaadin u dhashay dalalka Norway iyo Shiinaha oo afduub u heysteen

0
185

Kooxda dowladda Islaamiga ee IS ayaa soo bandhigtay sawirada labo nin oo u dhashay dalalka Norway iyo Shiinaha, kuwaasoo ay afduub u heysteen.

Labada nin oo lagu kala magacaabayay Ole Johan Grimsgaard-Ofstad oo 48 jir ahaa iyo Fan Jinghui oo 50 jir ahaa ayaa la ogeyn halka rasmiga ah ee laga qafaashay.

Hase ahaatee kooxda ayaa horay u dalbaday lacag madax furasho ah, si ay u sii daayaan, balse ma aanay suura gelin.
Sawirada labadan nin ayaa horay uga soo muuqday bogga labaad Wargeys ku hadla afka IS ee lagu magacaabo Dabiq, iyagoo marna xirnaa dhar jaale ah.

Waxaa la rumeysan yahay in la toogtay, waxaana ay mar kale Wargeyska ka soo muuqdeen, iyagoo xirnaa dhar madow iyo cad, indhaha waa ay ka xirnaayeen.

IS ayaa horay dilal ugu fuliyay muwaadiniin reer galbeed ah, kuwaasoo muuqaalo iyagoo la gowracayo ay soo bandhigeen.

Ninka Daacish u qaabilsanaa gowraca Jihadi John ayaa diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka ay ku duqeeyeen magaalada Raqqa, waxaana wali kala cadeyn inuu dhintay iyo in kale, hase ahaatee Mareykanka ayaa rumeysan in Jihadi John lagu dilay weerarkaas.

nor-chi