Jermalka Oo Lacag Ku Taageeraya Dadkii Ay Saameeyeen Daadadka Ku Dhuftay Qeybo Ka Mid Ah Wabbiga Shabeelle Ee Gobalka Hiiraan.

0
182

War saxaafadeed ka soo baxay safaaradda Jermalka ee Nairobi ayaa lagu sheegay in Jermalka uu bixinaayo 150,000 oo giniga ingiriiska taasoo loogu talagay qoysaskii ka barakacay deegannada uu fataahada ka sameeyay wabbiga Shabeelle ee gobalka Hiiraan.

War-saxaafadeedka waxaa kaloo lagu sheegay in lacagtan si gaar ah loo siinaayo carruurta ay dhaleen qoysaska ka barakacay fataahada.

Xafiiska isku xirka arrimaha bini’aadinimada ee hoostaga QM oo loo soo gaabiyo OCHA, ayaa sheegay in dadka ay saameeyeen daadka ku dhuftay Soomaaliya ay gaarayaan 132,000 oo qof tan iyo bisho October.

Kumanaan qof oo ku nool goobaha uu maro wabbiga Shabeelle ayaa laga cabsi qabaa in ay saameeyeen roobabka ka da’aya dalka, siddaas waxaa sheegay OCHA.

Jermalka horrey ayuu gacan uga geestay abaarihii ku dhuftay Soomaaliya sannadkii 2011-ka xilligaas oo qoysas badan ay ka soo barakaceen goballada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.