Kenya oo dhismaha Darbiga Xuduuda sheegtay iney ku difaacayso Dhuun Shidaal oo Uganda kaga imaaneyso

0
289

Qorshaha dhismaha darbiga Kenya ka dhiseyso xuduuda ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa la oogay iney dooneyso iney ku adkeyso amaanka dhuun shidaal oo dhemari doonto dalalka Kenya iyo Uganda, sida laga soo xigtay saraakiil dowlada Kenya ka tirsan.

“Darbiga wuxuu la teedsanaan doonaa xuduuda aan Soomaaliya la wadaagno si loogu xaqiijiyo amaanka iyo weerarada Alshabaab, agar ahaan maagelinta gobolka iyo horumarinta mashaariicda ay kamid tahay dhuunta shidaal ee Uganda ka imaaneyso”sidaasi waxaa yiri sarkaal dowlada Kenya ka tirsan.
Saraakiisha dowlada Kenya ayaa sheegay in xadka lagu xiro doono qalabka ka qeyb qaadanaya adkeynta amaanka dhanka xuduuda si looga hortago weeraro Alshabaab ka geystaan gudaha dalka Kenya.
Labada dowladood ee Kenya iyo Uganda ayaa ku hishiiyay in xiriir ganacsi uu dhexmari kaasi oo muhiimadiisa koowaad laga dhigi doono degmada magaalada Mombasa iyo deegaanada kale ee gobolka Lamu, halkaasi oo alshabaab weeraro kala duwan ay ka geysteen.
Waxaa haatan arinta dhismaha darbiga ka taagan murun xoogan oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, kadib markii Kenya ay kusoo xad gudubtay dhulka Soomaaliya ee xuduuda kaga yaala dhanka gedo.
Wafdi dowlada ah ayaa haatan ku sugan degmada Beledxaawo, kuwaasi oo xaqiiqo raadin ah soona baaraya in dowlada Kenya ay gudaha usoo gashay dhulka Soomaaliya ee dhanka xuduuda.