Kenya oo sheegtay iney soo celineyso 500,000 oo Qaxooti Somaliyeed oo ku sugan xeryaha Dhadhaab

0
188

Dowlada Kenya ayaa sheegtay in hayada Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ay kala shaqeyneyso xaqiijinta dib usoo celin aan qasabka aheyn oo loo sameynayo ku dhawaad 500,000 oo qaxooti Soomaali ah oo ku nool Dhadhaab.

Wasaarada arimaha gudaha Kenya ayaa sheegtay in tan iyo markii la bilaabay dib usoo celinta qaxootiga Soomaaliyeed lasoo celiyay ku dhawaad 45,000 oo qaxooti ah, kuwaasi oo aan dib usoo celintooda lagu qasbay.
Dowlada Kenya ayaa sheegtay in waqti xaadirkaan ay doonayaan in dib loo celiyo ku dhawaad 500,000, kuwaasi oo ku sugan xeryaha dhadhaab ee dalka Kenya, kadib hishiis seddex geesood ah oo dhexmaray Dowlada Kenya, Soomaaliya iyo UNHCR.
Wasiirka arimaha gudaha Kenya Joseph Nkaissery, ayaa sheegay in dalka Soomaaliya ciidamadooda ka wadaan qorshaha xasilinta dalka iyo soo celinta dhamaan adeegyada aasaasiga ah sida caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha, sidaasi daraadeedna loo baahan yahay in dadka qaxootiga dalkooda ku laabtaan.
Dowlada Kenya ayaa u aragta xeryaha dhadhaab iney ku dhuumaaleystaan kooxaha amni darada ka geysta dalka Kenya, islamarkaana laga abaabulay weeraro badan oo Alshabaab ay ka geysteen gudaha dalka Kenya.