Khaban Qaabada Dorashada Baarlamaanka Puntland Oo Laga Daremayo Garoowe

0
221

Magaalada Garoowe waxaa maanta lagu wada in ay ka dhacda doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland, taas oo aad looga sugayo gudaha Puntland cida kusoo bixi karta.

Doorashada ayaa bilaaban doonta wax yar kadib sida Gudiga doorashada horay u shcaiyeen, waxaana ka hor doorashada musharaxiinta ay jeedin doonana khudbado kala duwan.

Xalay ayaa Musharaxiintu sameeyeen lobinkii ugu dabeeyay, geesta kale Madaxwaynaha Puntland oo la shiray Xildhibaanada ayaa xalay ku booriyay doorasho xalala ah, waxaana uu sheegay in Masirka go’aanka Puntland uu gacantooda ku joro.

Warar ayaa sheegaya in Xildhibaan Saciid Surcad uu ku biiray tartanka, waxaana doorashadu ay noqonaysa amid qarsoodi ah sida Warar hor dhac ay shegayaan.

Amaanka Magaalada Garowe ayaa siwayn loo adkeeyay maanta waxaana la arkayaa ciidamo xiray wadooyinka soo gala Aqalka Gollaga Wakiilada Puntland.