Kolonyo Ciidamo AMISOM Ah Oo Qarax Lagula Eegtay Ex-Kontarol Balcad

0
184

Kolonyo ciidamo AMISOM ah oo marayay agagaarka warshadii hore ee baastada ayaa qarax lagula eegtay iyadoo qaraxaasina laga maqlay deegaano ka fogfog halka uu ka dhacay.

Wararka ayaa sheegaya in uu qaraxan ahaa miinada dhulka lagu aaso isla markaana mid ka mid ah gaadiidka ciidamada AMISOM ay waxyeelo ka soo gaartay qaraxa.

Sidoo kale qarax ayaa la sheegtay in uu ku dhintey qof rayid ah oo wadada marayay halka dhowr kalana dhaawacyo ka soo gaareen.

Ciidamada AMISOM ayaa xirey wadada laamiga ah ee isku xira Ex-Kontarool Balcad iyo suuqa xoolaha.
Lama oga cida ka dambeysay weerarkan iyadoo qaraxan uu ahaa kii ugu horeeyay oo ka dhaca ex kontarool Balcad dhowrkii bilood ee la soo dhaafay.

Ciidamada AMISOM ee ku sugan dalka Soomaaliya ayaa marar badan la kulantay weeraro qaraxyo ah kuwaasoo ka dhalan kara qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyo burbur hantiyeed.